Till huvudinnehåll

Ku saabsan Skolinspektionen

Hay'adda kormeerka dugsiyadu waa hay'ad dowladeed oo ka shaqeysa sidii carruurta iyo ardaydu u heli lahaayeen waxbarasho siman oo tayo wanaagsan leh oo bay'ad ammaan ah.

Waxaan kormeernaa dugsiyada oo qiimeynaa codsiyada bilaabidda dugsiyada madax-bannaan waxaanan hubinaynaa in dugsiyadu raacaan sharciyada iyo xeerarka.

Hay'adda kormeerka dugsiyada waxa kale oo ku jira Wakiilka Carruurta iyo Ardayda, BEO

Wakiilka carruurta iyo ardayda (Barn- och elevombudet, BEO) wuxuu ilaaliyaa xuquuqda carruurta iyo ardayda wuxuuna baadhaa warbixinnada cagajuglaynta (mobbning) iyo xadgudubka ee dugsiga. BEO waxa kale oo ay magdhaw u dalbi karaan carruurta iyo ardayda la kulma xadgudub iyo cagajuglayn.

Dhibaatooyinka ka jira dugsiga

Halkan waxa ku jira macluumaad loogu talo galay qofka dareemaya inay dugsiga ka jiraan dhibaatooyin ama in ilmo ama arday si qaldan ama si xun loola dhaqmay.

La hadal dugsiga barbaarinta ama dugsiga

  • Haddii ay dhibaato ka jirto dugsiga barbaarinta ama dugsiga, waa in aad kala hadashaa macallinka, maamulaha ama shaqaalaha kale. Maamulaha ayaa ka mas'uul ah inay carruurtu/ardaydu helaan taageero haddii ay u baahan yihiin. Maamuluhu sidoo kale waa madaxa macalimiinta iyo shaqaalaha dugsiga/dugsiga barbaarinta.

La xidhiidh mulkiilaha dugsiga si wax looga qabto cabasho

  • Haddii aanad ku qanacsanayn maaraynta maamulaha, waa in aad u jeedsato mulkiilaha. Mulkiilaha dugsigu waa degmada ama qofka iska leh ama ka masuulka ah dugsi madax bannaan. Mulkiilaha ayaa ka mas'uul ah inay carruurta iyo ardaydu helaan waxbarasho wanaagsan oo dareemaan amni xilliga dugsiga. Waa inuu mulkiiluhu qabtaa oo baadhaa cabashooyinka.
  • Haddii aad rabto inaad dacwad u gudbiso mulkiilaha, waxaad macluumaadka ka eegi kartaa bogga dugsiga ama bogga mulkiilaha. Waxaad sidoo kale caawimaad waydiisan kartaa qof jooga dugsiga.

Macluumaad u gudbi Hay'adda kormeerka dugsiyada

Haddii ay dhibaatooyin waaweyni ka jiraan dugsi oo mulkiilaha dugsigu xallin waayo dhibaatooyinka, waxaad la xidhiidhi kartaa Hay'adda kormeerka dugsiyada.

  • Ma baadhno warbixin kasta oo aan helno, laakiin waxaan ku salaynaa hawlahayaga shaqo, in baadhitaan la bilaabo iyo qaabka loo sameynayo.
  • Waxa go'aaminaya inaan baadhitaan bilowno iyo in kale waa taariikhda hore ee dugsiga iyo mulkiilaha iyo astaamo kale oo aanu helnay. Waxay tani tusaale ahaan ku saabsanaan kartaa natiijada foomka su'aalaha ee ardayda, shaqaalaha iyo waalidka, kormeerradii hore iyo tirokoobyada kale ee ku saabsan dugsiga.
  • Si ardayda ugu badan ee suurtogalka ah ay uga faa'iidaystaan shaqada Hay'adda kormeerka dugsiyada, waxaan baadhnaa kiisas badan oo heer dugsi ah iyo tiro yar oo kiisas la xidhiidha ilme/arday gaar ah. Tan macneheedu waa, in xitaa haddii warbixin u timid Hay'adda kormeerka dugsiyadu khusayso arday gaar ah, waxaannu dooran karnaa in aannu u baardhno hawsha heer dugsi.
  • Hay'adda kormeerka dugsiyada iyo Wakiilka carruurta iyo ardaydu (BEO) waxay baadhaan mararka qaarkood kiisas arday gaar ah. Tusaale ahaan, haddii arday lagula kaco xadgudubyo ama haddii ardaygu uu maqnaansho badan leeyahay, ama haddii ay jiraan dhaliilo waaweyn oo dugsiga ka jira xagga taageerada. Ka hor intaanay Hay'adda kormeerka dugsiyada ama BEO bilaabin baadhista, waxaanu samaynaa qiimayn lagu ogaanayo in kormeer dawladeed munaasib yahay. Taas macneheedu waxa weeye in aannu eegno waxa aannu hore uga naqaannay dugsiga iyo sida mulkiiluhu u xaliyo khaladaadka.
  • Xitaa haddii aannaan bilaabin baadhitaan, waxaannu kaaga mahadcelineynaa warbixintaada. Macluumaadkaaga waxaa loo isticmaali karaa siyaabo kala duwan, waxaanu muhiim ugu yahay shaqadayada kormeerka si aan u helno sawirka guud ee dugsiga.

Mabda'a helitaanka

Dhammaan macluumaadka la helo waxay noqonayaan waxa loogu yeedho dukumenti dadweyne. Taas macnaheedu waa in qof kastaa xaq u leeyahay inuu akhriyo. Hay'adda kormeerka dugsiyadu ma bixiso macluumaadka sirta ah/qarsoon. Hay'adda kormeerka dugsiyada waxa kale oo ku waajib ah inay isticmaal qaldan ama isticmaal aan waafaqsanayn xeerka ilaalinta xogta, ka ilaaliso xogta gaarka ah ee xasaasiga ah.

Mas'uuliyadda xogta shakhsi

Hay'adda kormeerka dugsiyada ayaa mas'uul ka ah xogta shakhsiyeed ee maaraynta xogta shakhsi ee hay'addu gacanta ku hayso. Markaad nala soo xidhiidho, waxa laga yaabaa inay khusayso maaraynta xogo shakhsiyeed ee soo socda:

  • Diiwaangelinta barnaamijyada IT-ga
  • U gudbinta hay'ado kale
  • Maaraynta hawlaha kormeerka
  • Ilaalinta iyo kaydinta

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan siyaasaddayada sirnimada iyo xuquuqdaada qof diiwaangashan ahaaneed, eeg https://www.skolinspektionen.se/Om-oss/integritetspolicy/

Macuumaadka xidhiidhka

Telefon: +46 (0) 8 586 080 00
E-maylka: skolinspektionen@skolinspektionen.se
Cinwaanka boostada: Box 23069, 104 35 Stockholm

Senast uppdaterad: 14 september 2020